Mareykanka oo sheegay in aysan Iran lug ku laheyn weerarkii Al-Shabaab ee Lamu

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga ciidamada militeriga ee Manda Bay ee Gobolka Lamu subaxnimadii hore ee Axadda aanu ahayn mid ay ku lug leedahay dowladda Iran.

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa meesha ka saaray warar ay tebiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegaya in laga yaabo in Iran ku lug leedahay weerarkaasi.

“Taliska Mareykanka ee Africa ma go’aamin in weerarkii shalay ee ay Al-Shabaab qaadday uu xiriir la lahaa Iran,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu yiri, “inkastoo aan Iran looga shakisneyn in ay ku lug lahayd weerarkaasi, haddana Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa waxa uu arkay wadamo kale oo ay ku jirto Iran iney sii kordhinayaan saameyntooda gobolka Geeska Africa.”

Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la wiiqo awoodda kooxaha argagixisada ah si aysan markale awood ugu helin iney khatar geliyaan amaanka Mareykanka, muwaadiniinta Mareykanka, xulufada caalamiga ah iyo iney qalalaaso amni xumo ah ka abuuraan gobolka Bariga Africa.