Maxaa la jira in Mareykanku uu ciidamadiisa kala baxay Ciraaq ?

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa beeniyey in ciidamada Mareykanka ay kasoo baxayaan Iraq, kadib markii sidaas lagu sheegay warqad loo diray militariga Iraq.

Sidoo kale sarkaalka ugu sarreeya militariga Mareykanka ayaa sheegay in warqadda oo kasoo baxday sarkaal militari oo ku sugan Iraq ay ahayd mid si qaldan loo qoray.

“Ma jiro wax go’aan ah, wuxuu doono ha ahaadee oo Iraq looga soo tagayo” ayuu yiri Esper. “Ma jiro wax go’aan ah oo aan kusoo baxeyno, mana aynan soo saarin wax qorshooyin ah oo aan uga soo tageyno.”

Warqadda oo Isniintii aad u wareegeysay twitter-ka, ayaa waxaa dowladda Iraq u diray sarkaal Mareykan ah ah oo dalkaas ku sugan.

Taliyaha ayaa warqadda ku yiri “dowladda Mareykanka waxay xushmeyneysaa go’aanka ay ku amartay ciidameena inay baxaan”, wuxuuna intaas ku daray in maalmaha iyo toddobaadyada soo socda ay isku qaabeyn doonaan inay dhaqaaqaan.

Jeneral Mark Milley oo ah taliyaha sare ee ciidamada Mareykanka ayaa weriyayaasha u sheegay in warqadda ay ahayd qabyo qoraal, aan loogu talo-gelin in la baahiyo.