Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland oo xukuno dil iyo xabsi ah ku riday 13 dagaalame+VIDEO

Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida iyo dambiyadda culus ee dowladda Puntland ayaa xukuno iskugu jira dil iyo xabsi ku riday 13 eedaysane oo katirsanaa ururada Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish.

Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa 3 kamid eedeysanayaasha ku riday xukun dil ah, halka 10 kalena ay ku riday xabsiyo kala duwan, sida uu ku dhawaaqay G/sare Maxamed Aadan Jaamac oo ah garsoore kamid ah Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay maalmaha soo socda u fariisan doonto kiisaska 27 eedeysane, kuwaas oo horey loogu soo riday xukuno kala duwan, racfaana kasoo qabtay.

Maxkamadaha Ciidamada qalabka sida iyo dambiyadda culus ee dowladda Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday u fariisiga kiisaska Dad ku eedeysan falal argagixiso iyo Ciidamo dambiyo geystay, waxaana fadhiyada Maxkamaduhu kusoo aadayaan iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Madaxweyne Deni uu kala dirayo Garsoorayaasha iyo Xeer ilaalinta Maxkamadaha Ciidanka qalabka sida ee Dowladda Puntland.