Minnesota: Naadiya Maxamed oo loo dhaariyay kamid noqoshada Golaha Degaanka ST Louis Park

Naadiya Maxamaed ayaa shalay Isniintii loo dhaariyey xilka xubin Golaha degaanka ah, waxayna noqonaysaa qofkii ugu da’da yaraa iyo qofkii u horeeyay ee Muslim ah, qofkii ugu horeeyay ee madow ah iyo qofkii u horeeyay ee Soomaali ah oo xubin ka mid ah noqda golaha deegaanka ee xaafada dacalka ku haysa Minneapolis ee St Louis Park.

Dadwaynaha dagan xafadaa ayaa aad u soo dhaweeyey doorashada Naadiya oo dhacday bishii Nofenbar 2019, shalay dhaarinteediina dadka Soomaaliyeedee dagan xafadaa ayaa aad ugu farxsanaa kulankana  ka soo qaybgalay.

Doorashada Naadiya oo 23 jir ah waxay dhiiragalin u tahay dhalinta Soomaali Americanka ee ku dhaqan dalkaan inay qayb ka qaadan karaan siyaasada golayaasha kala duwan ee gobolkaan.