Puntland oo ka laabatay xukun dil ah oo ay horey ugu riday Madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee Muqdisho+

Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida iyo dambiyadda culus ee dowladda Puntland ayaa maanta jebisay xukun dil ah oo horey loogu riday Ayuub Nuur Nuux oo ahaa madaxii amniyaadka Alshabaab ee magaalada Muqdisho, sida ay horey u shaacisay Maxkamadda darajada kowaad ee ciidanka qalabka sida.

Ninkan oo lagu magacaabo Ayuub Nuur Nuux, ayaa 29-kii Bishii july ee sanadkii hore, lagu xukumay dil toogasho, kadib markii maxkamadu ay sheegtay inuu qirtay in uu dad badan ku laayay Muqdisho, qaar badana amarkiisa lagu dilay.

Balse, Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida iyo dambiyadda culus ee dowladda Puntland ayaa xukunkaas jebisay, waxayna ku xukuntay Ayuub Nuur Nuux shan sano oo xabsi ah.

Ninkaan, ayaa kamid ahaa 13 eedeysane oo isugu jirtay Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo maanta maxkamada racfaanku 3 kamid ah ay ayiday xukunkooda dilka ah, halka 10 kalena ay ku riday xukuno xabsi ah oo kala duwan.