Sacuudiga oo dhawaaqay xulafo ay kamid tahay Soomaaliya (Sawirro)

Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday dhismaha gole ka kooban sideed waddan oo Carab iyo Afrikaan ah oo xaduud ka ah Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa ku qaabilay Magaalada Riyadh wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Jordan, Eretariya, Yemen, Suudaan, Soomaaliya, iyo Jabuuti, wuxuuna ugu hambalyeeyay aasaaska golaha iyo saxiixa Axdiga Golaha.

Intii uu socday kulanka, wasiirradu waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga ka dhexeeya waddamada xuduudda la leh Badda Cas si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida gobolka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga.

Sidoo kale, shirka ayaa diiradda lagu saaray danaha siyaasadeed wadamadan, maalgashiga, xasilinta maraakiibta badda iyo kahor taga iska hor imaad dhexmara dalalka dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

“Sacuudi Carabiya waxay danaynaysaa isuduwidda iyo wadashaqeynta xubnaha isbaheysiga si ‘looga hortago caqabadaha nagu hareereysan dhinac walba,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Boqortooyadda Sacuudi Carabiya Amiir Faisal bin Farah bin Abdullahi

Wasiirada 8 wadan ee ku bahoobay Isbaheysigan cusub ayaa waxaa ay saxiixeen xeerka asaasiga ah ee urur-weynaha.