Wasiir Cawad oo la kulmay dhigiisa Boqortooyadda Sacuudiga (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa la kulmay Dhiggiisa Sucuudiga Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah,iyaga oo ka wada hadley Arrimodhowr ah.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, sidoo kale waxa ay si hubaal ah u faaqideen in arrimaha heer goboleed si wadajir ah looga wada tashado.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Sacuudiga uga qeyb-galay aas’aaska isbahaysi ay u dhanyihiin 8 dowladood oo kulaala xeebta Badda Cas.