Yuusuf Xaaji oo iska diiday Casuumaad uu u diray Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Yuusuf Xaaji oo kamid Baarlamaanka Kenya iyo Gudoomiyaha Gaarisa ee Goabalka Waqooyi Bari ayaa baahijay safarkoodii Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Yuusuf Xaaji iyo Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa, ayaa la filayay inay todobaadkan yimaadan Muqdisho, kaddib casuumaad uu u fudiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Baaqashada Labada Masuul ayaa timid kaddib markii ay wax badan ka ogaadeen qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee la kulankooda oo ku aadan arrimaha Jubbaland iyo inay heshiis la heshiisiiyaan Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay beel wadaagan.

Xildhibaan Yuusuf Xaaji iyo Guddoomiyaha Gaarisa ayaa la sheegay inay Madaxweyne Farmaajo u sheegeen inay adag tahay inay tagaan Muqdisho ayna u duulaan Kismaayo, iyagoona arag talaabooyin ay Xukuumadiisu ku xaal marinayso Madaxda iyo Shacabka Jubbaland oo ay u geysatay hagar-daamooyin badan.