Ayatollah Ali oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday saldhigyadii Mareykanka+VIDEO

Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei oo ka hadlay weerarkii saldhigyada Maraykanka ayaa yiri “xalay Maraykanka wejiga ayaan ka dharbaaxnay”.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xiisadda taagan wuxuuna Maraykanka u sheegay in uu daan-daansiga joojiyo wuxuuna yiri “marka ay xaaladdan timaada tillaaba milateri oo kaliya xal maahan”.

Waxa uu sheegay in Iran ka aargoosatay Maraykanka, “dagaal diyaar uma nihin ee waxaan difaaceynaa nafteenna ayuu hadalkiisa raaciyey.

“Iraaniyiintu yeel ma yaan in dhiiggii Sulaymaani uu cidlo dhulka ugu daato, waana loo aarguday” ayuu yiri Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.

Hadalka Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa yimid xilli labo saldhig oo Maraykanku ku leeyahay dalka Ciraaq ay Iran ku weerartay gantaallo.

Trump ayaa bartiisa Twiter-ka kusoo qoray in ay qiimeynayaan sida ay wax u dhaceen, “wax walba waa ay dhan yihiin, gantaallo laga soo tuuray Iran ayaa lagu weeraray laba saldhig oo aan ku leenahay Ciraaq, qiimeynta khasaaraha ka dhashay ayaan wadnaa, wax walbana waa hagaag, waxaana leenahay ciidanka ugu awoodda badan caalamka ee heysta hub carsi ah, dib ayaana kasoo sheegi doonaa sida ay wax u dhaceen”, ayuu yiri Trump.