Ciidamo loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab oo tababar loo soo xirey+Sawirro

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliya Generaal Maxamed Sheekh Cabdulaahi Xiirow ayaa tababar u soo xiray cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka oo mudo 2 bil ah tababar uga socday Dugsiga Tababarka ciidanka Dowlada Ingiriiska ay kuleedahay Baydhabo.

Waxaa tababarkan mudada uu socday bixinayay Sarakiil katirsan ciidanka Dowladda Ingiriiska, Ciidankan ayaa lagu wadaa inay qeyb ka noqdaan howlgaladda lagu xaqiijinayo Amniga dalka gaar ahaan goboladda Koonfur Galbeed oo haatan Wadooyinkooda ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Xiritaanka tababarka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiradda Amniga, Warfaafinta, Tamarta iyo Biyaha Sarakiisha ciidanka Booliska Mileteriga iyo Marti Sharaf kale.

Cutubyadan Maanta Tababarka loo soo xiray ayaa soo Bandhigay habka loo fuliyo howlgaladda iyo sida la’isaga difaaco weeraradda gaadmada ah.

Taliyaha qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Shekh Abdulaahi Xiirow ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Madaxda Safaaradda Dowlada Ingiriiska ay ku leedahay Soomaaliya, sida marwaliba ay u garab taagan yihiin Dowladda Somaaliya.

Ciidanka ayuu kula dardaarmay in tababarka ay qaateen inay gaarsiiyaan ciidank kale aanan fursadan u helin.