Doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ka dhacaysa Kismaayo (Akhriso)

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ay shaaciyeen inay dhawaan dhaceyso doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo uu ka geeriyoodey Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Doorashada Kursigaan oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo ayaa Guddiga waxaa ay sheegen in uu baneeyey Ex-Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ku geeriyoodey weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada 23-kii Bishii Maarso ee sanadkii 2019,isaga oo sidoo kale ahaa Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda.

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ay sheegeen in doorashada Kursiga ka banaan Golaha Shacabka ay Magaalada Kismaayo ka dhaceyso 12-ka Bishaan,isla markaana looga baahan yahay Ergada wax dooraneysa inay diyaar garoobaan.