Dowladda Federaalka oo ka hadashay maxaabiis ka baxsaday xabsiga Muqdisho

Wasiirka cadaaladda XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay guddigii loo xilsaaray kiiska maxaabiis dhawaan ka baxsatay xabsiga dhexe ee Xamar.

Waxaa uu sheegay in Guddiggaan ay ku howlan yihiin sidii baaritaano loogu sameyn lahaa dadkii Xabsiga ka fakaday.

Wasiirka ayaa xusay in wixii ka dhacay Xabsiga aheyd arin halis ah,islamarkaana kuwii Fududeeyay lala xisaabtami doono sidda ugu dhaqsiyaha badan.

Saddex maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in dhawaan  baxsadeen, sida ay sheegayaan warar laga helay Xabsiga dhexe ee Magaalada muqdisho.

Xubnaha baxsaday ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin a Al-Shabaab, islamarkaana horey loogu riday xukunno.

Xabsiga Dhexe ee Xamar oo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu yahay mid amnigiisa siweyn loo ilaaliyo,waxaana cadeyn sababta keentay in Maxaaabiis xukunaa ay baxsadaan.