Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo la kulmay Xaliimo yarey (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa uu booqasho ku tegay Xarunta Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

Kulan gaar ah ayuu halkaasi waxaa uu kula qaatey guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey), iyaga oo kawada hadlay u diyaar garowga arimaha doorashooyinka soo socda.

Guddoomiye Cumar filish ayaa uga mahad celiyey Guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka Qaranka siwada wanagsan oo ay u soo dhaweysay,isaga oo sheegay in ka maamul ahaanuu Guddiga la Shaqeyn doono.

Kulan gaar ah ayuu halkaasi waxaa uu kula qaatey guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) oo maalahana waday kulamo kala duwan ayaa shalay la kulantay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Candullaahi, kulanka ayaa looga hadlay hawlaha guddiga kala dhexeeya Aqalka Sare oo ay ka mid tahay warbixinta 4 bilood laha ah ee guddiga uu horgeeyo Golaha 4tii biloodba mar.