Laamaha amaanka Puntland Oo gadooday

Xaalad kacsan,ayaa ka jirta guud ahaan Puntland,taasoo ka dhalatay sii dayntii ay maanta Maxkamada Ciidamada sii daysay Madaxii Amniyaadka Alshabaab iyo 12-kale oo ah xubno muhiim ah.

Maxkamada Racfaanka,ayaa kooxdan Dil toogasho ah horay ugu xukuntay,balse waxaa sifo aan xeerka waafaqsanayn ku laalay xukunkeedii Maxkamada Ciidamada Puntland.

Xeer Nabar-10,Qodobka 2-aad farqadiisa 1-aad ee Xeerka la dagaalanka argagixisada ee la sameeyay 2011waxuu dhigayaa Qof ku cadaato in uu ka mid yahay Alshabaab Dil toogasha ah.

Sidoo kale Xeerka la dagaalanka argagixisada ee Nambar 10-Qodobka 2-aad,Farqadiisa 2-aad waxuu amrayaa in ugu yaraan 10-sano ilaa xabsi daa’in lagu xukumo qofkii ay ku cadaato in uu gacan siiyay Alshabaab.

Xukunka maanta ay rideen garsoorayaasha Maxkamada sare ee Ciidamada Puntland waxuu ahaa mid sharciga baalmarsan oo gacan siinaya argagixisada.

Garsoorayaasha Maxkamada sare ee Ciidamada,ayaa la filayay in maanta lakala diro,balse wareegtada shaacinteedii,ayaa dib udhac ku yimid.

Waxay umuuqataa in ay markale Maxkamada Ciidamada ay laaluush qaataday kana faa’idaysatay dib udhaca ku yimid kala daristeeda.

Ciidamada amaanka Puntland,ayaa aad uga carooday talaabadan waxayna si buuxda ula wareegeen caawa goobo muhiim ah.

Jibril Qoobey