Madaxweynaha Puntland oo sheegay inay Xukuumadiisu furaneyso Xisbi siyaasadeed

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi ‘Deni’ ayaa sheegay inay furanayaan urur siyaasadeed Xukuumadda ku matala hanaanka dimuqraadiyaynta Puntland ee xisbiyada badan.

Siciid Deni ayaa markii uhoraysay kadhawaajiyay xiliga ladaahfurayo ururka, waxaa uusheegay in Bisha 2aad ee sanadkan lagu dhawaaqi doona magaca urur siyaasadeedka xukuumadda talada haysa haatan iyo qorshihiisa.

”Waxaan idiin sheegayaa in bisha 2aad aan ku dhawaaqi doono urur siyaasadeedka Dawladda, iyo magaciisa haatana uu socdo qorshihiisii” ayuu yiri, madaxweyne Deni oo kahadlayay Xaflad lagusoo bandhigayay waxqabadka Xukuumadda uu hogaamiyo oo sanad jirsatay.

Kaqayb galayaasha xafladda iyo bulshada qaybaheeda kale ayuu ugu baaqay inay kula midoobaan ururka oo uu sheegay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo kuqanacda qorshe siyaasadeedkooda.

Deni ayaa sanadkii uhoreeyay xilhayntiisaba soodhisay gudiga Doorashooyinka oo KMG ah, kuwaas oo iyaguna soo bandhigay qorshahooda, dhanka kalana waxaa socota diiwaan galinta xisbiyada siyaasadeed oo haatan qaarkood lasiiyay shahaadada Xisbinimo kadib markii ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

Xukuumadda talada haysa oo bilowga sanadkoodii 2aad furata urur siyaasadeed,hadii ay hirgal noqoto, waxay rajo wanaagsan galinaysa shacabka Puntland oo hamuun uqaba in codkoodu waxtaro cidda ay rabaana doortaan, dhanka kalana waa ififaalo wanaagsan oo talaabo loogu qaaday Nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ugu guurayso habka qabaliga.