Madaxweyne Deni “Tayaynta aan qaadanay ayeey kamid tahay in qofkii sharciga ku xadgudba lagu qaado wixii xeer ah”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni,  oo goor-dhaweyd jeediyay khudbad ku aadan sanad kaddib Doorashadiisii waxa u qabsoomay Xukuumadda uu hoggaamiyo ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin Xaalada guud ee Puntland,  arrimaha khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka,  xariga Siyaasiyiinta iyo Odayaash dhaliilay xukuumadiisa, Hanaanka Dilmuquraadiyadda Puntland iyo arrimaha Xaduudaha.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay guulo waa weyn gaartay sanadkii tagay, isagoona sheegay in kor loo qaaday amniga, dhaqaalaha, adeegyada bulshada, sida Waxbarashada, Caafimaadka, korontada iyo Biyaha, isagoona tilmaamay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay fulisay mashaariic balaaran.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka hadlayay dhaliilaha loo jeediyo Xukuumadda uu hoggaamiyo  iyo sida ay uga jawaabto ayaa yiri  “Waa run Dowladaan In lagu xanto ineysan dhaliisha Jecleyn Laakiin Tayaynta aan qaadanay ayeey kamid tahay in qofkii sharciga ku xadgudba lagu qaado wixii xeer ah”

Waxaa uu sheegay inay Dowladda Puntland ay soo martay marxalado kala duwan ayna u muuqato in dadku waxay doonaan ku hadlaan balse maanta la joogo wakhtigii ka taabo galin kahaa sareynta sharciga uusana qofku ku kicin wax dhibaateynaya Dowladnimada Puntland.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa ugu baaqay inay ilaaliyaan Hanaanka Dowladnimo iyo Midnimada Puntland, waxaana uu sheegay in aysan Xukuumadiisu aqbalayn in lagu tunto shuruudka Dalka.