Maxaa ka dhalan kara Duqeynta Iiraan ee Saldhigyada Mareykanka ? (FALANQEYN)

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in laba saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, kuna yaala gudaha dalka Ciraaq lagu weeraray gantaalo.

Telefishenka Dowladda Iran ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday saldhigyada Mareykanka uu ahaa mid loogu aargudayay dilka Qasem Suleimani oo shalay la aasay.

Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay bartilmaameedsatay saldhigyo uu ku leeyahay Irbil iyo Al Asad ee gudaha dalka Ciraaq. Ilaa iyo hadda ma cadda in uu jiro khasaaro ka dhashay weeraradaas iyo haddii uu jiro inta uu la eg yahay.

Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei oo ka hadlay weerarkii saldhigyada Maraykanka ayaa yiri “xalay Maraykanka wejiga ayaan ka dharbaaxnay”.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa intaas ku daray “Iraaniyiintu yeel ma yaan in dhiiggii Sulaymaani uu cidlo dhulka ugu daato, waana loo aarguday.

Trump ayaa bartiisa Twiter-ka kusoo qoray in ay qiimeynayaan sida ay wax u dhaceen, “wax walba waa ay dhan yihiin, gantaallo laga soo tuuray Iran ayaa lagu weeraray laba saldhig oo aan ku leenahay Ciraaq, qiimeynta khasaaraha ka dhashay ayaan wadnaa, wax walbana waa hagaag, waxaana leenahay ciidanka ugu awoodda badan caalamka ee heysta hub carsi ah, dib ayaana kasoo sheegi doonaa sida ay wax u dhaceen”, ayuu yiri Trump.

Hadaba Maxaa ka dhalan kara weerarkan Iran ay ku qaaday Saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq, hoos ka daawo Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan oo si dhow ula socday xiisada Bariga Dhexe, oo
arimahaas iyo kuwo kale falanqeynaya.