Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobalka Bari oo xukunno ku riday 4 ruux+VIDEO

Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobalka Bari ayaa xukunno ku riday eedeysanayaal kala duwan, kuwaas oo dhac iyo furasho u geystay dad shacab ah oo ku nool Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland.

Eedeysanayaasha qaarkood oo u badnaa dhalinyaro ayaa Ciidanka ammaanku kusoo qabteen iyagoo gacanta kula jira fal-dambiyeedyada, furanaya moobilo, waxaana Maxkamadda ku sugnaa dadkii ay dhaca iyo furashada u geysteen.

Sidoo kale, Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobalka Bari ayaa dib u dhigtay xukunka 7 eedeysane, kuwaas oo aan lasoo dhamistiray cadeymaha dambiyadda loo heysto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada kowaad ee Gobalka Bari Abuukar Cabdinuur Jaamac, ayaa ku dhawaaqay xukunka ay Maxkamaddu ku riday dhalinyaradan.