Muqdisho: Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Qarixii Kantaroolka Sayidka+VIDEO

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay meel u dhaw Bar-koontorool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaas oo ku dhaw taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan (Saalax Dheere) oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in gaariga qarxay uu ahaa mid lagu soo dhejiyey waxyaabaha qarxa, balse uusan aheyn mid lagu soo raray gaariga, in kasta oo uusan shaacin magaca shakhsiga lahaa gaariga uu sheegay.

Mr. Saalax dheere ayaa sidoo kale  sheegay in xilliga garaiga uu qarxayey uu ku jiray safka baarista, isla markaana ay ku geeriyoodeen seddax qof, lix kalena ay ku dhaawacmeen.

Marka laga soo tago faah-faahinta Maamulka Gobolka Banaadir waxaa goobta ku burburay ugu yaraan 8-gaari oo ay ku jireen mootoyinka Bajaaj-ta, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobka qaraxu ka dhacay.