Shirweynaha FinnSom oo markii ugu horeysay lagu qabtay Garoowe+Sawirro

Waxaa ka furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Shirweynaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Finland (FinnSom) iyadoo ay ka qeybgalayaan Masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Dowladda Finland.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha & Isbidalka Cimilada ee Puntland Ismaaciil Diiriye Gamaadiid ayaa sheegay in Xukuumadda ay soo dhaweynayso Shirweynaha maanta ka furmay garowe, isagoo sheegay in jaaliyadda Finland ay lafdhabar u yihiin Caawinta Bulshada Soomaaliyeed.

Safiirka Dowladda Finland ee Soomaaliya Amb. Erik Lundberg oo ka qeyb-galaya shirweynahan ayaa sheegay iney tahay markii ugu horeysay ee uu yimaado Garoowe, waxaana uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshihiisa.

Amb. Erik Lundberg oo khudbad ka jeedinayay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Finland (FinnSom) oo markii ugu horeysay sanadkaan lagu qabtay Magaalada Garoowe ayaa xusay iney Dowladda Finland garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Safiirka Finland ee Soomaaliya Erik Lundberg & Masuuliyiinta Kale ayaa Shahaado sharaf kala duwan guddoonsiiyay Xubnihii ugu muhiimsanaa ee Jaaliyadda Finland iyo dadkii soo qaban qaabiyay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Finland (FinnSom).