Turkiga oo shaqaale militari geeyey Libya

Turkey ayaa 35 shaqaale militari ah gaysay Libya, hase yeeshee kama qeyb qaadan doonaan wax dagaal ah, sida uu sheegay madaxweyne Erdogan oo ay soo xigatay warbaahinta gudaha.

“Askarta ma dagaalami doonaan. Askar kale oo goor dambe la geyn doono Libya iyagana sidoo kale ma geli doonaan wax dagaal ah,” ayuu Erdogan u sheegay xisbigiisa talada haya, sida uu ku warramay wargeyska Hurriyet Daily.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegan in askartan ay shaqooyin tababar iyo wada-shaqeyn ah la qaban doonaan dowladda Libya ee QM ay aqoonsan tahay.

Erdogan ayaa hadalkan ka jeediyey kulan heer sare ah, oo albaabada ay u xiran yihiin, oo ay yeesheen xubnaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Isniintii, sida uu ku warramay Hurriyet Daily.

Baarlamanka Turkiga ayaa toddobaadkii tegay ansixiyey in ciidamo militari la geeyo dalka Libya, si ay u taageeraan dowladda dalkaas, oo wajaheysa weerar kaga imanaya Jeneral Khalifa Haftar.

Turkey iyo Qatar ayaa taageeraya dowladda oo fadhigeedu yahay Tripoli, halka Haftar ay taageeraan dalalka Masar, Saudi Arabia, iyo Imaaraadka Carabta.

Libya ayaa waxaa ka socday qalalaase tan iyo sanaddii 2011 markii kacdoon ay taageereyso NATO lagu dilay hoggaamiyihii muddada fog xukumayey dalkaas, Muammar Gaddafi.