Wararkii ugu dambeeyay ee Qarax ka dhacay Muqdisho

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo ku qarxay koontoroolka Sayidka oo lagu hubiyo Gawaarida aada dhinaca Madaxtooyada.

Xilliga qaraxa uu dhacayay ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegen in Koontoroolka uu gaariga ku qarxay ay yaalleen Gawaari badan oo sugayey in la hubiyo taas oo keentay in uu khasaaro ka dhasho.

Sawiro laga soo qaaday halka uu qaraxa ka dhacay ayaa  lagu arkayey Gaadiid farabadan oo bur burey,kuwaas oo ahaa kuwa koontoroolka ku sugnaa,waxaana Gaadiidka gurmadka ee ambalaasta ay wadaan gurmad hadii ay jiraan dad ku waxyeeloobay qaraxaas.