Askari katirsan Ciidanka Puntland oo lagu dilay Boosaaso

Wararka imaanaya magaalada boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland ayaa sheegaya in kooxo hubeysani ay dileen askari katirsan Ciidanka ilaalada waddooyinka Puntland.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Mareero ee bartamaha Magaalada Boosaaso, kooxda dilka geysatay ayaana ka baxsatay goobta, oo ay daqiiqado kaddib ay gaareen Ciidanka amniga Dowladda Puntland.

Lama oga sababta iyo cida ka dambeysay dilkan, balse waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaalada Boosaaso ay todobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacayeen falal ammaan-darro iyo weeraro ka dhanka Ciidanka iyo Masuuliyiinka Dowladda, wallow ay jiraan howlgallo ay magaaladaas ka wadaan Ciidanka amniga Puntland.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.