Dowladda Mareykanka oo dalbatay wada-hadal ay la furto dhigeeda Iran.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wadahadal ay lagasho dhigeeda Iran iyadoona wadahadaladaasi aanan shuruud looga dhigeenin xiisada cadaawada ku saleesan ee waqti xaadirkan u dhaxeeso labada wadan.

Warqad ay dowladda Mareykanka u qortay Qaramada Midoobey ayay ku sheegtay in weerarkii lagu dilay General Qaasim Suleemaani uu ahaa isdifaac nafsi ah oo ay sameeyeen.

Iran ayaa habeen hore gantaalo aargoosi ah ku tuurtay xarumo miltari uu Mareykanku ku leeyahay gudaha dalka Ciraaq. Taas oo sidoo kale Iran ay Qaramada Midoobey u sheegtay in ay ahayd isdifaacid.

Dilka General Suleemaani’ga xiisadan ay ka dhalatay ayaa ahaa ninka labaad ee ugu awooda badan gudaha dalka Iran.

Safiirka dowladda Iran u fadhiyo Qaramada Midoobey ayaa dhankiisa sheegay in codsiga Mareykanka ee wadahadalada uu yahay mid aanan la’aqbali Karin iyadoo wali ay sii socdaan cunaqabateenada saaran Iran.