Faallo: Guuxa shacabka Puntland iyo Is-hilmaaminta Madaxweyne Deni ? (Sanad kaddib)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay jeediyay khudbad ku aadan sanad kaddib Doorashadiisii waxa u qabsoomay Xukuumadda uu hoggaamiyo ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin Xaalada guud ee Puntland,  arrimaha khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka,  xariga Siyaasiyiinta iyo Odayaash dhaliilay xukuumadiisa, Hanaanka Dilmuquraadiyadda Puntland iyo arrimaha Xaduudaha.

Madaxweyne Deni ayaa khudbadiisa xoogga ku saaray arrimaha Dilmuquraadiyadda Puntland, dhaqaalaha, tababarka Ciidanka iyo hirgelinta xerooyin cusub, diiwaan-gelinta shaqaalaha Dowladda iyo qodobo kale, isagoona sheegay inay dhamaan qodobadaas ay Xukuumadiisu ka gaartay guulo la taaban karro.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiisay saxaafadda oo ku aadanaa fulin la,aanta xukunka Kiiskii Caa’isho Ilyaas, xariga odayaasha loogu geystay Boosaaso iyo Musuq-maasuqa ayaa si adag u difaacay Siyaasadda Xukuumadiisa, isagoona sheegay in dhamaantood ay si hufan uga qaadeen tilaabooyin.

Hadaba, Maxay yihiin arrimaha Madaxweyne Deni uusan ka hadlin ee ka guuxaya Shacabka Puntland ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa u muuqday mid ka gaabsaday ka hadalkooda arrimo aad uga guuxaya Shacabka Puntland sanad kaddib doorashadiisii, kuwaas oo ay kamid ahaayee;

1. Ammaanka guud ee Dowladda Puntland, gaar ahaan Gobollada Sool, Sanaag, Cayn iyo Bari.

2. Heeshiiskii lagu fashilmay ee PD world iyo halka uu ku dambeeyay balanqaadkiisii ahaa in ka hor sanadka 2020 la bilaabayo.

3. Xiriirka Dowladda Dhexe iyo Dowladda Puntland, oo uusan Madaxweynuhu cadeyn marka laga soo taggo dhaliilo uu jeediyay sharciyo Labada aqal ee Baarlamaanku ansixiyeen.

4. Sheegista Khayraadka Dabiiciga ah ee lagu bedelanayo dhismaha kaabaayashaa dhaqaalaha ee dalka ee ay qaadanayaan Shirkadda Caalamiga ah, sida Shirkadda CCECC ee dhisi doonta laamiga isku xira Degmada Dangorayo iyo Degmada Eyl.

6. Iyo Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Ayaan si nabadda intii uu jeedinayay khudbadiisa sanadlaha ah soo hadal qaadin qaar kamid ah qodobada aan kor kusoo xusnay, halka kuwo kale uu dulmaray, Dadka falanqeeya siyaasadda Puntland ayaana aaminsan in Madaxweynuhu uu khudbadiisii xalay diirada ku saaray waxyaabaha la filanayo mustaqbalka iyo inuu marin habaabiyo guuxa sanadkiisii hareeyay siyaasadda Puntland.