Madaxweynaha Puntland oo ka hor-yimid ansixinta shirciga batroolka ee BFS+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si cad uga soo horjeestay Sharciga Batroolka oo ay ansixiyeen Baarlamaanka labada Aqal ,kaas oo sidoo kale horey uga soo horjeesteen Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay deegaannada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland xeerkaas marnaba aan lagala tashan, isla markaana Puntland aysan marnaba wax ka ogeyn ansixinta Baarlamaanka Federaalka labada Aqal ee Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in waxwalba ay u baahan yihiin in laga wada tashado, hayeeshee ay u muuqato in Sharcigaas uu yahay mid ay wataan dad dano gaar ah leh, sidaasi daraadeedna Puntland wax shaqo ah aysan ku laheyn.

Hindise sharciyeedka Bartoolka ayaa dhowaan waxaa ansixiyay Senatarada Golaha Aqalka Sare, kaddib markii ay horay u soo ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka, iyadoona dood adag iyo buuq ay hareeyeen ansixintiisa.