Madaxweyne Deni oo ka hadlay fulin la,aantii xukunka kiiskii Caa’isho Ilyaas+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbaahintu su’aal ka weydiisay sababta uu u saxiixi waayay, fulinta xukunkii dilka ahaa lagu riday, saddexdii nin ee lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aaden.

Madaxweyne Deni oo su’aashaasi ka jawaabaya, ayaa sheegay in saddexda maxkamadood ee Derejada kowaad, Rafcaanka iyo Maxkamadda Sare ee qaaday Kiiskii Caa’isha, ay dhammaantood isku raaceen hal xukun, taasi oo sida uu tilmaamay muujinaysa in xukunkoodu si caddaalad ah u dhacay.


Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in fulinta xukunnada ay ridaan Maxkamadaha Puntland, aysan wax door ah uga furneyn Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, balse ay go’aanka kama dambaysta ah ka gaarto Maxkamadda sare ee Puntland.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Den ayaa sheegay in xukuumaddu aysan marnaba fara-geli karin arrimaha Garsoorka, sidaasi darteedna aysan meelna ka soo gelin xukunnada ay ridaan Maxkamadaha, kuwaasi oo sida uu xusay ku dhammaada go’aanka ugu dambeeya ee Maxkamadda sare ka gaarto.