Madaxweyne Deni oo ugu baaqay DFS iyo dowlad gobaleedyada wada-hadal+VIDEO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay ka hadlayay sannad-guuradii kowaad ee ka soo wareegtay doorashadiisi 8- January 2019, ayaa ku baaqay in xukuumadda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalku ay shir isu’gu yimaadan, si loo dhammeeyo khilaafaadka jira.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay, in ay marti-geliso shir weyne Wada-tashi ah oo madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, si ay uga wada-hadlaan, kagana tashadaan arrimaha muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.


Sidoo kale, Madaxwynaha ayaa xusay in arrimaha u baahan in laga wada-hadlo ay kamid yihiin; doorashada Madaxtinimada Dowladda Federaalka ee 2020/2021-da, dhammaystirka Dastuurka KMG ah, qeybsiga Khayraadka iyo deeqaha Caalamiga ah.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa caddeeyay in xataa haddii meel kale lagu qabanayo, ay Puntland mar walba diyaar u tahay ka qeyb-galka shirkaasi, si ay kaalinteed u qaadato.