Madaxweyne Xaaf oo dacwad ka dhan ah DFS u diray Beesha Caalamka (Akhriso)

War-saxaafadeedkan soo baxay Xaafiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wargaliyey Beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya in Madaxweyne Xaaf uu wakaalashada kala noqdey dowladda federaalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dawladda federaalka ku takrifashey wakaalashada uu madaxweynahu ku wareejiyay wasaarada Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale, warqadan waxaa lagu xusay in uu Madaxweynuhu magacaabay gudiga farsamada ee doorashada Galmudug. Isla markaana ay Dowladdu qalqal siyaasadeed ka wado Galmudug.