Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Biixi iyo Wakiilka QM ?+VIDEO

Wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. James Swan ayaa maanta gaaray Magaalada Hargeyso ee xarunta Maamulka Somaliland, waxaana uu kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa ka wada-hadlay xaalada Guud ee Somaliland, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka Baarlamaanka oo dood adag oo u dhexeysa Biixi iyo Xibsiyadda Mucaaradka ah ka taagan tahay iyo soo celinta wada-hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo markii kulanku soo dhammaaday saxaafadda la hadlay ayaa yiri “waxyaabo badan baa kulanka lagaga wada hadlay, arrimo badan baa la isla soo qaaday oo ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen, arrimaha ugu muhiimsanna waxa kamid ah waxa ay Somaliland u gudbisay wakiilka inuu xoghayaha guud ka gaadhsiiyo farriimo ay kamid yihiin in muddo Soddon sanno ah ay Somaliland hanatay oo ka shaqaysay qaddiyaddeeda iyo madax-bannaanideeda oo ay danaheeda dhammaamtood iyadu gacanta ku hayso, haddii ay tahay dhulkeeda, baddeeda, hawadeeda iyo maamulkeedaba, mid walbana ay ku guulaysatay inay ka shaqayso nabaddiisa iyo xasiloonidiisa.”

James Swan, wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha Guud ee QM ayaa sheegay inay jiraan tilaabooyinka lagu dhisi karo kalsoonida iyo wada-hadalka u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho, ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in ay jiraan meelo badan oo laga wada shaqeyn karo si kor loogu qaado ammaanka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta dadka” ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.