Muqdisho: Ciidanka Dowladda oo qarxiyay miinooyin la dhigay wadada

Ciidamada amniga Dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay Xaafado ka tirsan degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir, howlgalkaas oo dad badan lagu qabqabtay.

Howlgalka ayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alfa Group waxaa ay ka sameeyeen Xaafada Xamar Jadiid ee degmada Warta-Nabada,waxaana la sheegay in ay Ciidamada Guryaha qaar baaritaano ku sameynayeen sigaar ah Guryo bartilmaameed u ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Alfa Group ay guri ku yaalla Xaafada Xamar Jadiid ka heleen waxyaabaha qarxa oo ay qarixiyeen, sidoo kalena ay xir xireen dad gurigaasi ku sugnaa.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Oronjo ayaa sheegay in Ciidamada intii ay howlgalka ku jireen ay Isgoyska Baar ubax ku qarxiyeen Miinooyin la dhigey,balse aan dad loo qaban.

Intii uu howlgalka socday ayaa sidoo kale Ciidamada waxaa ay qab qabteen Boqolaal Ruux oo dhalinyaro u badan,kuwaas oo hal Goob la isugu geeyey,walow baaritaan dheer kadib badankood la siidaayey.