QM: Xuutiyiintu kama dambeyn weerarkii xarumaha Saliida Sacuudiga

Vassily Nebenzia, Permanent Representative of the Russian Federation to the United Nations and President of the Security Council for the month of September, chairs the Security Council meeting on the situation in Libya at the UN Headquarters in New York City, New York, September 4, 2019. (Photo by EuropaNewswire/Gado/Getty Images)

Warbixin ay soo saareen gudiga Qaramada Midoobey u qaabilsan lasocodka xayiraadaha ayaa sheegay in Xuutiyiinta dalka Yemen aysan fulin weerar sanadkii hore lagu qaaday xarumaha ugu waawayn ee soo saara saliida Boqortooyada Sucuudiga, sida ay warisay wakaalada wararka ee Reuters.

Mareykanka, Midowga Yurub, iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa dowladda Iran ku eedeeyay weerarka lagu qaaday xarumaha saliida Aramco ee Abqiiq iyo Khureys.

Masuuliyada weerarkan oo dhacay 14’kii bishii September ee sanadkii hore ayaa waxaa sheegtay falaagada Xuutiyiinta ee ka dagaalama gudaha dalka Yemen. Iyadoona dowladda Iran dhankeeda ay iska fogeesay in wax lug ah ay ku lahayd weerarkaas