Shiinaha: Waxaan dooneynaa in DJabuuti ay kaalin muhiim ah ka cayaarto caalamka

Wasiirka Arimaha Dibada ee Shiinaha Mr. Wang Yi, ayaa sheegay in Shiinuhu uu doonayo in Dowladda Jabuuti ay kaalin muhiim ah ka cayaarto arrimaha gobolka, caalamka, oo ay ku jirto Golaha amaanka.

Mr. Wang Yi, ayaa hadalkan jeediyay xilli uu maanta ka hadlayay qasriga Madaxtooyadda Jabuuti oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa sheegay inay Jabuuti ku taageerayaan helista kursiga Golaha ammaanka QM, isagoona yiri “Waxaan taageereynaa in Jamhuuriyadda Jabuuti ay noqoto musharraxa gobolka Bariga Afrika ee kursiga aan joogtada ahayn ee golaha amniga.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Shiinaha Mr. Wang Yi, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa intii uu socday kulankooda ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin saaxibtinimada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo guul wadaagga oo ay labada dowladood ku sii wadayaan isbadal muhiim ah oo horumarineed, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay Madaxtooyadda Jabuuti.

Shiinaha ayaa ka wada Dalka Jabuuti Mashaariic ay kamid yihiin Dekadda Weyn (DMP), jid-tareenka korontada iyo aagga cusub ee bilaashka ah ee pk 23, iyo mashaariic kale.