Weerar lagu qaadi lahaa Saldhiga Ciidanka UK ee Kenya oo la fashiliyay

Saddex nin ayaa la qabtay iyagoo isku dayaya inay xoog ku galaan xerada tababarka ciidamada Ingiriiska ee ku taal Kenya, axadii lasoo dhaafay, oo aheyd maalin kaddib markii la weeraray saldhiga Ciidanka Mareykanka ee Degaanka Lamu ee Dalka Kenya, sida ay warisay warbaahinta kenya.

Raggan oo la qabtay oo la xiray ayaa loola dhaqmay, sidii tuhmanayaal Argagixiso, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka ee Associated Press, oo xiganeysa booliska gudaha.

Saddex ka tirsan ciidamada militariga Mareykanka ayaa lagu dilay, halka qaar ka mid ah diyaaradaha Mareykanka iyo gawaarida, lagu burburiyey intii uu socday weerarkii lagu qaaday axadii lasoo dhaafay saldhiga Manda Bay ee degaanka Lamu ee Dalka Kenya, kaasoo billowday waaberigii hore, socdayna illaa afar saacadood.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaas ayaa tilmaamtay inay burburiyeen todobo diyaaradood iyo seddex gaari oo militari, laakiin faahfaahin kama aysan bixin khasaaraha dhankooda.