Madaxweyne Deni oo magacaabaya Gudoomiyaha Maxkamada sare Ee Ciidamada

Madaxweyne Deni waxuu umagacaabayaa Garyaqaan Madoobe Cabdi Gurey oo kasoo Jeeda Gobolka Sanaag,Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland.

Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in la shaacin doono kala dirista dhamaan Gudiga Garsoorka Maxkamada sare ee Ciidamada.

Maxkamada sare ee Ciidamada Puntland waxaa hareeyay eedaymo musuq oo is xigxigay bilihii udanbeeyay.

Madaxii Amniyaadka Alshabaab oo gacanta lagu dhigay ayay Maxkamada sare ee Ciidamadu baabi’isay xukun dil ah oo Maxkamada darajada koowaad ay ku riday,waxayna ugu badashay 2-sano oo xarig ah.

Jibril Qoobey.