Trump oo awoodiisa dagaalka Iran la xadadayo

Kongarayska Maraykanka waxay soo saareen qaraar xakamaynaya Madaxweynaha awoodiisa ku aadzn dagaal lagu qaado Iran.

Inta badan Xubnaha Kongarayska oo ubadan Dimuqraadi,ayaa isku raacay qaraarka.

Madaxweynuhu go’aan dagaal ma gaari karo isagoon ogaysiin Kongarayska sida qaraarku dhigayo.

Balse xakamaynta Madaxweynaha kuma jirto hadii Iran dagaal soo qaado oo waa umadax banaan yahay go’aanka difaaca dalka sida qaraarku faahfaahinayo.

Aqalka sanadka ayay tahay in ay ansixiyaan qaraarkan,inkastoo ay aqlabiyada Aqalka ay haystaan Jamhuuriyiinta.

Dimuqraadiyiinta soo abaabulay qaraarkan waxay ka taxadarayaan laba arimood oo kala ah..

B.In Madaxweyne Trump uga faa’idaysto dagaalka Iran arimaha doorashada.

T.Wal-wal ay ka qabaan hogaaminta Trump ee fudaydku ka muuqdo

Jibril Qoobey.