Al-Shabaab oo weerartay saldhiga ciidanka Kenya ee Degaanka Olla.

Dagaalamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig Ciidanka kenya ay ku lee yihiin degaanka Olla oo waqooyiga kaga beegan magaalada Mandhera ee Gobalka waqooyi bari, waabarigiii saakay.

Saldhiga la wareeray ayaa waxaa ku suganaa ciidan Police-ah, kuwaas oo lasoo sheegayo inay waxyeelo soo gaartay, inksta oo aysan si rasmi ah uga hadlin khasaaraha weerarka uu sababay.

Dhinka kale, kooxihii weerarka fuliyay ayaa hub culus waxay ku weerareen xarun ay lahayd shirkadda isgaarsiinta Safaricom, taas oo laga leeyahay dalka Kenya, goobjoogeyaal ayaa sheegay in bur bur xoog leh uu soo gaaray Anteenada shirkadda la weeraray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay kordhiyay weerarada ay ka fulinayaan gudaha dalka Kenya, iyaga oo horay u shaaciyay in beegsigooda Kenya uusan joogsan doonin inta ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howl-galka midoowga Afrika ee AMISOM ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.