Boosaaso: Deni iyo Saraakiisha Imaaraadka oo kulan xasaasi ah leh

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo manta gaaray Magaalada Boosaaso ayaa kulan la leh saraakiisha Imaaraadka Carabta ee gacanta ku haya Ciidanka Badda Dowladda Puntland ee PMPF.

Madaxweyne Deni oo safar deg deg ah uga amba-baxay Magaalada Garoowe saqdii dhexe ee xalay, isagoona si toos ah u abaaray xerada ciidanka PMPF-ta.

Madaxweyne Deni iyo saraakiil ka socota Imaaraadka Carabta oo gacanta ku haya Ciidanka Badda Puntland ee PMPF, ayaa ka wada-hadlaya arrimaha ku gadaaman Mashruuca PDG oo ah mid dood badan ka taagan tahay.

Wixii Kasoo kordha kala soco Idil News.