DEG-DEG: Dowladda Iran oo shaacisay in ciidankeedu soo rideen diyaaradii Ukraine Airlines

Dowladda Iran ayaa xaqiijisay in Ciidanka kacaanka Iraan ay soo rideen Diyaaradii dhawaan ku dhacday dalkaasi ee  Ukraine Airlines ka dib markii ay shaki ka muujiyeen in ay duqeyn rabto Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Iran.

War goor dhow kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay u dhawaatay  xero milatari oo xasaasi ah waxaana loo dejiyay khalad bini’aadanimo awgeed, sidaana waxa sheegay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyada Iran.

 Dowladda waxay qiratay in diyaaradda lasoo riday oo Khaladkaasi ay gashay dowladda Iran.

Diyaarad nooceedu yahay Boeing-737 oo ay saarnaayeen ku dhawaad 180 qof oo ku burburtay meel aan ka fogeyn caasimadda Iran ee Tehran ayaa waxa la shaaciyey halka ay ka soo jeedaan rakaabkii saarnaa.

  • 82 Iran
  • 63 Canada
  • 11 Ukrain, oo ay ka mid yihiin shaqaalaha diyaaradda.
  • 10 Sweden
  • 4 Afghanistan
  • Saddex u dhalatay German