Faallo: Maxay yihiin xaqiiqooyinka la qariyay ee kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Isayas Afwerki ?

Madaxweynaha Dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay maanta Magaalada Muqdisho, kaddib booqasho labo maalmood ah oo uu ku tagay Dalka Eriteriya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Caasimadda u ah Eratariya ee Asmara la Kumay dhigiisa Isaias Afwerki, waxaana War-murtiyeed ay baahisay lagu sheegay inay ka wada-hadleen xoojinaya xiriirka iskaashiga labada dal, xaaladihii u dambeeyay ee amniga gobolka iyo taabbo-gelinta Heshiiskii Saddex-geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya.

War-murtiyeedka labada Madaxweyne ayaa lagu xusay inay go,aamiyeen dardar-gelinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya oo ku salaysan Heshiiskoodii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii September, 2018.

Hadaba Maxaa ay yihiin waxyaabaha madan in la xuso ee Madaxweyne Farmaajo u tagay Asmara ?

War-murtiyeedka kasoo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaan lagu muujin waxyaabo cusub oo looga hadlay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Isaias Afwerki, Marka laga soo tago qodobo ay horey Madaxtooyadu u shaacisay kaddib safaradii horey uu ugu tagay Asmara Madaxweynuhu.

Shabakadda Idil News, ayaa ogaatay in kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Afwerki uu ku qotamay tuhun soo kala dhexgalay Labada Madaxtooyo oo yimid kaddib markii Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin uu la wadaagay wadamada Reer galbeedka in Eretereya ay ka dambeysay qarixii 28 bishii December ee sanadkii tagay 2019, ka dhacay Ex-kantarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, kaas oo galaaftay nolasha ku dhowaad 100 Ruux.

Madaxweynaha Ereteriya,ayaa la sheegay in xogtaas markii ay gaartay uu la hadlay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kaas oo la wadaagay in uusan aqbali karin xogaha kasoo hor-jeeda Dowladdiisa ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya la wadaagtay caalamka, taas oo u arko mid gacmo ka baxsan Soomaaliya ay riixayaan.

RW Abiy,ayaa ku wargaliyay Madaxweyne Farmaajo inuu tago Asmara si uu uga raalli-galiyo xogtaas Madaxweyne Isayas Afawerki, taas oo uu aqbalay.

Dadka ka faalooda arrimaha Gobalka Geeska Africa,ayaa rumeysan in safarkii Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay Asmara uusan aheyn mid saameyn ku leh Gobolka, marka laga soo tago raalli-gelinta Ereteriya.

Madaxweyne Farmaajo waxuu aqbalay shuruudo dhawr ahaa oo uu ku xiray Afawerki raali galinta Somaliya,kuwaasoo uu aqblay Madaxweyne Farmaajo sida wararku noo xaqiijiyeen.

Khuburada siyaasada Geeska,ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo uu dhexda ugu jiro Siyaasadda Gobalka Bariga Africa ee aan fadhiyin.

Madaxweyne Farmaajo ayay tilmaameen dadka lasocda siyaasada in uu ku harqanayo.