Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland oo ka hadlay sababta loo fulin la yahay xukunka Kiiskii Caa’isho Ilyaas+VIDEO

Sii-hayaha xilka Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland Nuur Ciise Maxamed, oo ka hadlay sababta keentay in aan weli la fulin xukunkii lagu riday saddex nin oo lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aaden, ayaa sheegay in fulinta kiiskaas uu sugayo in eheladeeda ay codsadaan qisaas iyo in maxkamadda sare loo gudbiyo warqadaha arrintaasi la xidhiidha.

Guddoomiye Nuur ayaa sheegay in fulinta kiiskaasi aanu u xannibnayn saxiixa madaxweynaha, wuxuuna tilmaamay in madaxweynuhu saxiixo arrimaha la xidhiidha ciidamada oo keliya, kiiskana uu yahay mid madani ah.

Wuxuu intaas ku daray in Xafiiska Xeer-ilaalintu ay Maxkamadda u soo gudbiyeen, codsi ku aaddan fulinta xukunka, balse aysan ku soo lifaaqin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka, sidaasi darteedna uu Galkaasi kala dhiman yahay.

Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland ayaa imnaya iyadoo Baraha Bulshada oo mar kale dood ka abuuray Kiiska Caa’isho Ilyaas Aadan, kaddib markii dhowaan wax laga weydiiyay Madaxweyne Deni, oo sheegay in uusan wax saxiix ah ku laheyn Kiiskan, oo ay ugu xukuman yihiin dil toogasho ah saddex nin oo kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Kiiskan oo isugu jiray Afduub, kufsi iyo dil ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo bishii February ee sanadkii tagay ee 2019, waxaana xukunkooda isku raacay Maxkamadaha Saddexda darajo.