Kheyre iyo Wakiilka QM oo kulan yeeshay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Danjire James Swan, ayaa ka wada-hadlay qodobbo ay ka midyihiin arrimaha mudnaanta qaran leh ee 2020 iyo sida ugu habboon ee Qaramada Midoobay u taageeri karto ahdaafta dalku uu leeyahay.

Kulanka ayaana kusoo dhamaaday is af-garad.