Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Suldaan Qaamuus (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dhamaal tacsi ah u diray Boqortooyadda Cuman, isagoona ka tacsiyeeyay geerida ku timid Suldaan Qaamuus Ibnu Siciid Ibnu Tamuur oo geeriyooday Maalintii Jimcaha oo ay Taariikhdu ku beeganayd 10-Janaayo-2020.

Madaxweyne Dr. Siciid C/laahi deni ayaa sheegay in suldaan Qaamuus Ibnu Siciid uu ahaa hogaamiye daacad u ah shacabkiisa, Shacabka Carabta iyo Guud ahaan Shucuubta Islaamka.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo guud ahaan Shacbka Reer Puntland waxay Tacsi u dirayaan dhamaan Shacabka Reer Cumaan si gaar ah waxay tacsi ugu dirayaan Qoyska Boqortooyada Dalka Cumaan ,iyadoo ay jiraan xiriir soo jireen ah oo ka dhexeeya Cumaan iyo Puntland ,oo ay Jiraan qaabiil isku isira oo kula nool labada Dhinac” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Dowladda Puntland