Madaxweyne Deni iyo Safiirka Mareykanka oo ku kulmay Boosaaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa goor-dhaweyd kulan kula yeeshay garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Ambassador Donald Yamamoto iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo.

Madaxweyne Deni ayaa kulanka waxaa ku wehlinayay Agaasimaha Ciidanka PSF-ta Puntland oo uu taageero Mareykanka iyo saraakiil kale, oo ka tirsan Hay’adaha ammaanka iyo Masuuliyiin kamid ah Xukuumadiisa.

Kulanka Madaxweyne Deni iyo Danjire Donald Yamamoto ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga, Siyaasadda, Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021, Dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Khilaafka Puntland iyo DFS iyo xoojinta xiriir Puntland iyo Mareykanka, sida ay Idil News u xaqiijiyeen ilo-wareedyo rasmi ah.

Waa markii labaad ee Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Ambassador Donald Yamamoto, uu yimaado Magaalada Boosaaso, isagoona horey u yimid 31, bishii Maarso ee sanadkii tagay 2019, xilligaas oo kulan looga hadlayo xaalada Soomaaliya ay wada yeesheen Madaxweyne Deni.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.