Mareykanka oo kordhinaya taageerada amni ee uu siiyo Puntland

Dowladda Mareykanka ayaa ballan-qaadey inay kordhinayso taageerada dhinaca amniga ee ay siiso Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, kaddib kulan ay ku yeesheen Magaalada Boosaaso Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Safiirka Mareykanka Amb. Donald Yamamoto.

Kulanka labada Masuul,ayaa lagu go’aamiyay qodobo dhowr ah oo quseeya amniga, ayna ugu weyneyd amniga xeebaha Puntland iyo la dagaalanka kalluumeysiga sharci-darada ah iyo Burcad-badeeda, Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaana isku afgartay;

1. In Puntland u fasaxdo Baddeeda Ciidamada Maraykanka.

2. In Maraykanku Puntland ka taageero la dagaalanka Kaluumaysiga sharci darada ah iyo burcad badeeda.

Sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ku dhowaa kulanka Safiirka Mareykanka,ayaa balanqaaday in ay qalab dheeri ah ay siin doonaan Ciidanka PSF-ta Puntland oo taageero dhaqaale iyo tababar uu siiyo Mareykanka.

Ciidanka PSF-ta oo kaashanaya Ciidanka Badda Puntland (PMPF) ay ka howlgali doonaan Badda Puntland o istiraaji u ah dhaq-dhaqaaqa gacanka.

Qodobkan,ayaa ahaa midka kaliya ee Labada dhinac ku heshiiyeen kulankoodii.

Ujeedka Maraykanka ee isticmaalka Biyaha Puntland, ayaa ah in uu xakameeyo lana socdo Maraakiibta dagaalka ee Iran, kuwaas oo sida wararku sheegayaan kusoo dhawaaday Biyaha Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka xeebaha  Puntland iyo Somaliland.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa kala socon doona dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran, kuwaas oo dagaal kula jiraan Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo saaxiibo dhow la’ah Dowladda Mareykanka.