Maxaa looga hadlay kulankii Madaxweyne Deni iyo Safiirka Mareykanka ? (Sawirro)

Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa war kasoo saartay kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Boosaaso Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo soo gaaray Boosaaso.

Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni iyo Danjire Donald Yamamoto, ay ka wada-hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu shaaciyay Madaxtooyadda Puntland.

Ilo-wareedyo ku dhowaa kulanka labada Masuul ayaa sheegay in la isla soo qaaday sharciga Batroolka, Danjire Donald Yamamoto uu si cad ugu sheegay Madaxweyne Deni in uu taageero sharciga shidaalka, lagana laabto go’aanka diidmada ah ee Puntland shaacisay, taas oo uu ka biyo diiday Madaxweynaha Puntland.

Dowlada Maraykanka ayaa gadaal ka riixaysaa sharciga shidaalka ee ay dhawaan ansixiyeen Golayaasha Dowladda Federaalka, kaas oo ay Puntland si cad uga hor-timid ayna sheegtay in aysan aqbali doonin.

Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Mareykanka ayaa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, iyadoona aad loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha, waxaana uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee Madaxweyne Puntland uu safiir kula qaato Garoon diyaaradeed, Dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaana ku tilmaamay kulan waji gabax ku ahaa Puntland.

Sidoo kale, Kulanka maanta ayaa muujinayay in Madaxweyne Deni uu ku fashilmay siyaasada iyo ammaanka Puntland gudaha, sida ay qabaan khubaradu.

Maraykanku waxuu soo ahaa 20-kii sano ee Puntland jirtay saaxiip muhiim ah oo ay iska kaashadaan amaanka iyo siyaasada.