Muxuu ku saleysan yahay Safarka Madaxweyne Deni ee Boosaaso ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa safar deg deg ah ku gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, isagoona saqdii dhexe ee xalay ka amba-baxay Magaalada Garoowe.

Ujeedada socdaalka Madaxweyne Deni ee Boosaaso ayaa wararku sheegayaan inuu ku qotomo xalinta tabashada qaar kamid ah beelaha Gobalka Bari, xarigii Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Boosaaso, Mashruuca PDG, arrimaha Dekedda Boosaaso oo ay gacanta ku heyso Shirkadda DP World oo aan weli wax ka qaban.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda kulamo la yeesho odayaasha dhaqanka Magaalada Boosaaso, gaar ahaan kuwa dhaliilsan xukuumaddiisa, waxuuna kala hadlayaa daminta xiisadda iyo sii uu ugu qanci lahaa inay la shaqeyaan xukuumaddiisa.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa la kulmay saraakiil ka socota Imaaraadka Carabta oo gacanta ku haya Ciidanka Badda Puntland ee PMPF, kuwaas oo ay ka wada-hadli doonaan arrimaha ku gadaaman Mashruuca PDG oo ah mid dood badan ka taagan tahay.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.