Puntland oo bilowday diiwaan-gelinta Ganacsatada Garoowe+VIDEO

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ka wada diiwaan-gelinta Ganacsatada ku nool Garoowe.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in ujeedada loo diiwaan-gelinayo ganacsatada ay tahay in la ogaado tirada rasmiga ah ee Ganacsiyadda, heerarka uu kala yahay, si loogu daba-galo canshuuraha ku waajibay, sida uu sheegay Maamulaha canshuuraha berriga Gobalka Nugaal Sharmaake Maxamed Warsame.

Sidoo kale, Maamulaha canshuuraha berriga Gobalka Nugaal ayaa ka hadlay faa’idooyinka ugu jira Ganacsatada diiwaan-gelinta, isagoona sheegay in aysan isku xaquuq noqon doonin ganacsade degaanka faa’ido soo galiya iyo mid aan waxba kusoo kordhin.