Puntland oo dayactir ku sameysay wadada jayga ah ee isku xirta Burtinle iyo Xarfo+VIDEO

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowlada Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), ayaa xariga ka jaray wadada jayga ah ee isku xirta Degmooyinka Burtinle iyo Xarfo, taas oo dib u habayn lagu sameeyey.

Wasiir Cirro ayaa ugu mahad-celiyay Kambaniga Is-xilqaan dayactirka wadadan oo ay iska kaashadeen Shirkadda iyo Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Puntland, ayna adeegsadaan gaadiidka, kana leexata degaanka Far-janno.

Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa ka dalbaday Darawalada Gaadiidka waa weyn inay ka jaraan sharmadaha gadaal ka jiitama gaariyaasha, kuwaas oo dhibaato ku ah waddooyinka, isagoona ugu baaqay laamaha ammaanka, Maamulada Degmooyinka iyo kuwa Gobalada in gaadiidka waa weyn laga jaro sharmadaha.

Dowladda Puntland ayaa dayactirka wadadan jayga ah oo dhererkeedu gaarayo 36-KM, ku bixisay 160 kun oo dollar, taas oo ah shidaalka gaadiid oo ay ku deeqday Shirkadda Is-xilqaan, waxaana lagu dhameeyay dayactirkeeda 75 maalmood.

Wadada ayaa la sameeyay kaddib markii uu burburay laamiga weyn ee isku xira Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe, kaas oo uu fashilmay kal hore Mashruucii lagu dhisi lahaa oo ay ku deeqeen midowga yurub iyo jarmalka, wallow Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu sheegay inay ku guuleysteen soo celinta Mashruuca wadadan, dhowaana la bilaabayo dhismaheeda.