Senatorrada Aqalka Sare oo la horgeeyay sharciga doorashooyinka Qaranka

Senatorrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la horgeyay sharciga doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay marsiiyeen aqrinta koowaad.

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Federaalka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa labo todobaad kahor u magacaabay guddi senatorro ah oo ka koobnaa todoba xubnood sharciga doorashooyinka Qaranka, oo dood iyo muran badan ka taagan yahay.

Guddiggaan ayaa shaqadooda aheyd kazoo talo-bixinta sharcigaan, iyagoona sidoo kale isku daba ridaya aragti waliba oo ay ka dhiibtaan senatorada.

27-kii bisha December ayaa waxaa meel mariyay sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii muddo laba todobaad ah ay ka doodayeen sharcigaan.

Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad u qaadacay sharcigan, waxaana ay ku tilmaameen mid hareer marsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, ayna dabada ka riixayaan dad dano gaar ah leh.